Waa maxay computer?
Computer-ku waa
aalad ka dhigtay dunida maanta jirta midka loogu isticmaalka badan yahay taasoo
sabab u ah in uu awood u leeayahay :-
1- In aad wax
ku kayd-san kartid
2- In wax
lagala soo bixi karo
3- In wax la
galin karo
4- In xog uu process-ku sameen karo
Computerka waa qalab la isku rakibo oo ka
kooban:
1- RAM (Random
Access Memory): waa memory loogu talagay inuu xogtahayo inta uu daaran yahay
Computerka waana ku meel gaar.
2- ROM (Read
Only Memory): waa meesha haysa xogta ku saabsan shirkada sameesay Computerka
iyo macluumaad kale waana Joogto Kaydkeeda.
3- CPU (Central
Processing Unit): waa qalab process gareeya dhaqdhaqaaqa ka socda Computerka.
4- CMOS (semi-conducting Metal Oxide): waa meesha haysaa saacada iyo taariikhda Computer-ka inayahaato mid aan is khaldin marka la damiyo Computerka.
5-
MotherBoard: waa meesha ay ku wada rakiban yihiin
4-ta aan kor ku
soo sheegay iyadoo isku haysa xargo badan iyo waxyalao kale oo yar yar.
6- Power
Supply: waa dab qaybiyaha Computerka kaasoo ah meesha Computerka uu ka qaato
dabka korantada ka imaanaysa isagoo hadhow dabk u kala qaybinayaa qaybaha kale
ee Computerka.
7- Cooler-Fun:
oo ah laba nooc mid ku dul rakiban CPU iyo mid ku rakiban Power Supply.
muhiimadoodu waxay tahay inay kulaylka ka saaraan CPU-da iyo Power Supply-ga.
Computerka waxa uu leeyahay qalab wax lagu galiyo iyo kuwo wax lagaga soo
saaro.
Wax yaabaha wax
lagu galiyo waxaa ka mid ah:-
1- Keyboard
2- Mouse
3- Camera
4- Microphone
5- Scanner
Kuwa wax lagala
soo baxo waxaa ka mid ah:-
1- Screen
(Shaashad)
2- Printer
3- Projector
4- Speakers
1-waa aalad
xawaarihiisa aad u sareeyo laguna cabbiro xawaarihiisa wax ka yar ilbiriqsi.
2- wuxuu kuu suurto galinayaa in uu kuu
kaydiyo xog aad u tiro badan.
3- in
computerka aad ku xiri kartid INTERNET-ka taasoo kuu fududaynaysa inaa la
xiriirtid qof walba meesha uu joogo.
Faa'ido-darada Computer-ka:
1- caafimaadka
inuu khatar ku yahay.
2- inuu
deegaanka saamayn ku yeesho marka la tuuro.
3- in xogta
computerka lumi karto ama uu ciladoobo.
